Tim Brooke-Taylor Oo Ahaa Jilaa, Majaajilayste Caan Ah Oo U Geeriyooday Coronavirus

UK, (HCTV) – Majaalilayste, ahaana Jilaa Actor aad looga yaqaano aduunka Tim Brooke-Taylor ayaa u geeriyooday xanuunka Coronavirus isagoo da’diisu ay tahay 79.

Afhayeenka Jilaagan ayaa war qoraal ah oo uu saasaray oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay inay murugo weyn tahay inay ku dhawaaqaan dhimashada Tim maanta iyo inuu u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Jilaagan ayaa ku soo biiray bahda Madadaalada, Majaajilooyinka sanadihii 1960-dameeyadii, waxaanu dadka ka madadaalin jiray telefishanada, Radio-ga, Tiyaatarada, Filimada, Buuqaaqta iyo xataa cajalado duuban, waxaanu ahaa qof awood iyo tamar u leh majaajilada iyo ka qoslinta dadka.

Goodie Graeme Garden ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhimashadiisa oo ay murugo leedahay geeridiisu “Waxa naga baxay saaxiib aanu aqoon fiican uu leenahay 50-kii sanadood ee u dambeeyey,”

“Waxaanu ku kulanay Tim iyo anigu Jaamacada Cambridge University horaantii 1960s, waxaanan si joogto ah u raaxaysan jiray la shaqayntiisa dhinacyada Radiyaha iyo Telefishankaba.”

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.