Spain Oo Qayb Ahaan Qaaday Xanibaada Coronavirus Ee Dalkaasi

Madrid, (HCTV) – Dalka Spain ayaa qayb ahaan qaaday xanibaadaha lagu soo rogay dalkaasi coronavirus waxaana durtaba bilaabmay in malaayiin shaqaale ahi ay dib ugu noqday shaqooyinka gaar ahaana Shaqaalaha dhismaha iyo warshadaha.

Spain ayaa ka mid ah wadamada uu sida xun u saameeyey cudurka COVID19, waxaana loo ogolaaday qaar ka mid ah warshadaha dalkaasi inay dib u furaan oo shaqaalaha dhismayaashu ay bilaabaan shaqadoodii kadib markii qaybtaasi la xanibay laba todobaad muddo hada halaga joogo.

Hase yeeshee dawlada Spain ayaa sheegtay in xanibaaduhu ay sii jirin doonaan qayb ahaan oo ay saarnaan doonaan Dugsiyada Waxbarashada, Baararka, Hoteelada iyo meelo kale oo dhawr ah, waxaanay dadka ugu baaqday inay guryaha joogaan.

Dalka Spain ayaa waxa hoos u dhacay heerka dhimashada oo markii ugu horaysay 24-kii saacadood ee u dambeeyey la diiwaangalin 517 oo dhimasho ah oo kaliya taas oo noqonaysa tiradii ugu hoosaysay, halka guud ahaan tirada dhimashada cudurka coronavirus ee dalka Spain ay marayso hada 17500 oo of.

Sidoo kale Go’aanka lagu furayo qaar ka mid ah xannibaadaha Spain waxaa caqabado kala kulma kuwa ka soo horjeedda siyaasadeed, Raysal Wasaare Pedro Sanchez uu doonayo “heshiis weyn” oo lagu kobcinayo dhaqaalaha.

“Waa inaynu bilawnaa talaabooyhin hoos loogu dhigayo xiisada dhinaca siyaasada wakhti xaadirkan oo aynu sii wadnaa midnimada, wadaxalada isku tanaasulka iyo heshiisyada suuragalka ah,” ayuu yidhi Sanches.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.