Imaaraadka Oo Deeq Caafimaad Ku Wareejiyay Dalka Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) – Diyaarad siday qalab caafimaad oo ah gargaar ka yimid Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay maanta kasoo degtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Gargaarkaas oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka ayaa waxa uu ka koobnaa agab dhan toddobo tan oo ka yimid Imaaraadka iyo 20 tan oo hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ugu tala-gashay Soomaaliya.

Ujeeddada deeqdaan  loogu tala-galay ayaa waxa ay tahay iney Soomaaliya kula tacaasho bukaannada uu soo rito xanuunka COVID-19, Sidoo kalena shaqaalaha caafimaadka ay si dardar leh u gutaan howlahooda shaqada.

Soomaaliya, waxaa kor usii kacaya dadka uu soo ridanayo bushiga Coronavirus, Iyadoo laba ruuxna ay u geeriyoodeen sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.