Fanaankii Caanka Ahaa Cumar Shoolli Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Muqdisho (HCTV) – Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shoolli).

Cumar Shooli ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho waxaanu u geeriyooday sida dadka ku dhaw-dhaw ay shegeen cudurka Macaanka ama Sokorta.

Fanaankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shooli) ayaa sida la sheegay ku dhashay degmada afgooye ee gobolka shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.

Waxaa uu fanka biiray sida uu ku sheegay wareysiyadii uu horey u bixiyay in ka badan 45 sano ka hor.

Shooli ayaa fanka kaga soo biiray dhanka ciidamada oo waxaa uu ka mid ahaa militarigii Soomaaliya sida uu ku sheegay wareysiyadii hore ee uu bixiyay.

Fanaanka waxaa uu qaaday heeso badan oo ay ka mid ahaayeen heesta la dabaalo Caashaqa iyo heesta aroosyada ee aadka loo jecelyahay ee Ladnaan ku waara.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka