Maraykanka Oo Doonaya Inuu Ogaado Halka (Lab-ka) Farayska Coronavirus Uu Ka Yimid

Washington, (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa kordhisay cadaadiska Shiinaha ee ku saabsan faafitaanka cudurka ‘coronavirus’, xili Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu ogaado halka cudurka dilaaga ah uu ka yimid asalkiisu.
Xoghayaha arrimaha dibada Mike Pompeo ayaa sidoo kale ugu yeedhay Beijing “inay iska baraxdo” oo ay cadayso waxa ay ogtahay.
Shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad ee dalka Maraykanka Arbacadii, ayaa Madaxweyne Trump waxa laga waydiiyay warbixinnada ku saabsan fayrasku inuu ka soo baxsaday xarun shaybaadh oo ku yaal Wuhan, halkaas oo ah meeshii uu markii ugu horreysay uu coronavirus ka dilaacay ama lagu arkay.

“Waxaanu wadnaa baadhitaan buuxa oo ku saabsan xaaladdan naxdinta leh ee dhacday,” ayuu yidhi Trump.
Hase yeeshee mar la weydiiyay inuu kor u qaaday mowduuca wada hadalada uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, ayaa Trump wuxuu yidhi “Ma doonayo inaan ka hadlo, wixii aan kala hadlay eek u saabsanaa shaybaadhka Wuhan, kaliya ma doonayo inaan ka hadlo, maaha wax haboon inaan ka hadlo haatan.”
Ugu yaraan 136,000 qof oo ku nool adduunka ayaa hadda u dhintay cudurka coronavirus, iyadoo ku dhawaad 31,000 dadkaasi dhintay ay yihiin Maraykanka.

Sidoo kale inka badan laba Milyan oo qof ayaa laga helay fayraska coronavirus, halka ugu yaraan nus milyan ay ka soo kabsadeen.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.