Caynaba: Wararkii U Dambeeyay Ee Dhaawacyo Fudud Oo Soo Gaadhay Taliyaha Booliska Gobolka Saraar Iyo Laba Askari Oo kale

Hargeysa (HCTV) – Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saraar Xasan Ismaaciil (Gacmo-yare) iyo Laba ka mid ah Ciidammada Booliska ayaa waxa dhaawac fudud ka soo gaadhay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Caynaba.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saraar ayaa Telefiishanka HCTV u sheegay in isaga iyo laba Askari uu dhaawac ka soo gaadhay Dhagaxaan ay ku soo tuureen dhallinyaro faro badan oo ay doonayeen inay ka dareeriyaan goob ku dhow Gurigiisa.

Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Makhaayad ku dhegan Guriga aan deganahay ayaa waxa ku soo ururay, Kuraasta ayay waxay soo dhigteen albaabadaydii, dareeriyaha ayaanu is nidhi, ka dibna way na soo shiideen, dhagixii Wejiga ayuu igaga dhacay, wax weyna maaha oo aad baan u fiicanahay, laba Askari oo iyaguna shiidkii wax ku noqday baa jira.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka