Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Warar Isku Xidhiidhiyey NISA Iyo Al-shabaab

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar ay baahiyeen Warbaahinta Dalka Kenya, kuwaasi oo sheegayey in xidhiidh dhex maray Laanta Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo Kooxda Al-shabaab.

Wararka Warbaahinta Kenya soo tebiyeen ayaa sheegay in NISA ay xidhiidh la samaysay Al-shabaab, si Al-shabaab ay weerarro uga geysato gudaha dalka kenya.

Balse, War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in NISA ay ka go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab, sidaasi darteedna Wararka sheegaya in xidhiidh ka dhex maray Al-shabaab ay Dawladda Soomaaliya u aragto majaro-habaabin iyo Warar been abuur ah.

“Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay sii waddo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, sidoo kale wararka been abuurka ah warbaahinta Kenya ay tabisayna waa mid la doonayo in lagu dhaawaco Hay’adda”. ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in laga fogaado wararka been abuurka ah ee Warbaahinta Kenya ka fidinayso hay’adda NISA ee Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka