Madaxii Xafiiska Madaxweynaha Wadanka Nigeria, Oo U Geeriyooday Coronavirus.

Nigeria, (HCTV) – Dawladda Nigeria oo Maanta ka hadashay geeridiisa, ayaa ku tilmaantay masuulkan oo shalay dhintay inuu yahay sarkaalkii ugu sareeyay oo ka mid ah dawladda Nigeria ee uu dilay cudurka Covid-19 ilaa iyo hadda.

Kiisaska dhimashada cudurka Covid-19 ee Dalka Nigeria ayaa maraya 17 qof, waxaana cudurka laga helay in ka badan 400 qof, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.