Dal Ka Mid Ah Kuwa Xayiraadda La Dabciyey Oo Dadkiisu Raysleyaashii Mashquuliyeen

Denmark (HCTV) – Dadka reer Denmark ayaa markii ugu horraysay muddo bil ah waxay ku yaaceen rayiisleyaasha markii xukuumaddu bilowday in ay yara debciso xayiraaddii coronavirus lagaga hortagayey ee saarnayd dalkaas.
“Aad baanu u mashquulsannahay. Waxaan u jeedaa shaqaa nagu badan labada toddobaad ee soo socda” ayuu yidhi Phil Olander, oo ah mulkiilaha rayiislaha Phil ee badhtamaha Copenhagen ku yaal.

Xayiraadda la debcinayo markii la shaaciyey ayaa dadku ballanno ka wada qabsadeen rayiisleyaasha. Olander ayaa mararka qaarkood khadka lagala soo xidhiidhayaa xayirmayey dadka badan ee soo wacaya awgeed.

Haweenay kale oo goob Saloon ah leh ayaa iyaduna sheegtay in seddexda toddobaad ee soo socda la wada balansaday oo ay saacado dheeraad ah shaqayn doonaan si ay dadka ugu adeegaan.

Goobaha kale ee adeegyadooda aadka loogu soo jabay waxa ka mid ah goobaha dumarka lagu qurxiyo, kuwa dadka jidhkooda wax loogu sawirro, dhakhtarada ilakaha iyo kuwo indhaha oo haatan loo ogolaaday in la furo.

Sidoo kale, waxa la ogolaaday iskuulada wadista baabuurta lagu barto in la furo, oo waxa meheradaas oo dhan loo gudbiyey xeerar ay tahay in ay ku dhaqmaan.

“Waa in aanu goobta nadiifinaa marka qof loogu adeegoba inta aan ka kale soo fadhiisan” ayuu yidhi Olander “sida in meesha la buuxiyo oo agabka aan ku shaqaynayo aanu ku nadiifino waxyaabaha jeermiska dila iyo xataa albaabbada marka la soo gelayo goobta la qabto iyo sidoo kale mishiinada kaadhadhka lacagta la mariyo. Waa shaqo kale oo badan”.

Safka loogu jiro goobta waa in la habeeyaa oo ay dadka kala fogaadaan, wargeysyadii dadka sugayaa akhrisan jireena waa la joojiey.

“Waxaan dareemay in aan u baahanahay in aan timaha iska xiiro, rayiislahana waa kaan iman jiray” ayuu yidhi Christain Rikhof oo ka mid ah macaamiishu.

Wuu ku niyadsanyahay in xayiraadda la qaadi doono “Waxaan rumaysanahay in ay xaaladdu kolba siday tahay xog ogaal u yihiin oo waan ku kalsoonahay..”

Rayiisleyaasha badankoodu waxaad mooddaa inay diyaar u ahaayeen maalintan koowaad ee ay shaqada ku soo noqonayaan. Xaafadda aan deganahay tobankii rayiisle ee aan soo dhaafay dhamaantood way wada furnaayeen. Laakiin waxay ku kala duwanaayeen ku dhaqanka xeerarka la soo saaray.

Ayse Akkaya, oo ah mulkiilaha goob haweenka lagu qurxiyo oo la yidhaahdo Hair Kompagniet ayaa xidhan Mask marka ay dadka u shaqaynayo.

Muddo bil ah oo ay shaqo la’aan ahayd haatan way ku faraxsantahay in dakhli soo galayo mar kale. Laakiin waxay tidhi macaamiishaydii oo dhami ma doonayaan in ii yimaadaan “waa dhalin yaro uun dadka ii imanayaa, dadkii waaweynaa ma soo baxayaan”

Denmark wuxu ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey Yurub ee xayiraadda ku soo rogay dadkooda waxaanu haatan ka mid yahay kuwa ugu horeeya ee debcinaya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka