Danjiraha Midowga Yurub Oo Dawladda Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Joojiso Cabudhinta Saxaafadda

Muqdisho, (HCTV) – Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka safiirka midowga yurub ee Soomaaliya danjire Nicolas Berlanga ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in ay joojiso cabudhinta ka dhanka ah saxafiyiinta, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dalka Sooomaaliya.

Hadalka kasoo baxay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya,  ayaa waxa uu yimid kadib markii uu soo dhammaaday kulan safiirrada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhex maray Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxa uu safiirka ku yirdh “Naqdinta waa qeyb kamid ah dimuquraadiyada,  jaan-gooynta xoriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan,  sidaas darteed, haddii saxafiyiinta la xaddido,  laga hor istaago xogta,  taasi maaha daw”.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Warbaahinta sida xarigga saxafiyiin dhowr ah , oo qaarkood weli ay xabsiga ku jiraan  iyo xaddiditaanka xogta sida ay horay ugu doodeen Ururada saxaafadda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.