Maayarka Hargeysa Oo Dadkii Daganaa Guriga Xusbiga Dajiyey Dhul Ay Siiyeen

Hargeysa, (HCTV) – dawladda hoose ee Hargeysa ayaa raritaan iyo dajin u samaysay dadkii deganaa guriga Xusbiga ee magaalada Hargeysa, si hor loogu qaado bilicda iyo fayadhowka caasimada.

Waxaana dadkaasi la dajiyey goob hore loo dadjiyey dadkii laga raray jidka Labada Boqol ee magaalada Hargeysa, waxaana hawlgalka dadkaasi loogu sameeyey rarista iyo dajinta hoggaaminayey Maayarka caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.