Nicolas Berlanga Oo Beeniyey Warar Sheegayey Inuu Ka Qadiyey Somaliland Deeq Lacaga Oo La Siiyey Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia, Nicolas Berlanga ayaa beeniyey warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland oo sheegaya in ‘27 Milyan oo Euro oo Midawga Yurub ugu deeqay Soomaalida in laga qadiyay Somaliland iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi’

Ambassador Berlanga, oo ka jawaabayey warkaasi, isla markaana qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hor imaado warkaasi, waxaanu yidhi “Waan ku faraxsanahay inaan ka hor imaado macluumaadka warkan. Dawladuhu horeba way u ogaayeen khadadka uu maro gargaarka Midawga Yurub ee tagaya Somaliland, oo ay ka mid yihiin Wacyigelinta/ ololaha wacyigelinta, qalabka hoos taga WHO, iyo suurtagalnimada Taageerada Miisaaniyadda.” Ayuu qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka Nicolas Berlanga uu ku yidhi.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.