Soomaaliya: 24 Saacadood Ee U Dambeeyay Covid_19 Wuxuu Dilay 6 Qof, Waxaanu Soo Ritay 49

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diwaangelisay Tiradii ugu badnayd ee Cudurka Dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19 uu 24-kii saacadood ee u dambeeyay ku dilay Dalkaasi.

Sidoo kal, waxa aad u kordhaya tirada uu Xanuunku sida Maalinlaha ah u soo ridanayo Xanuunku, sida ay sheegayaan Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya

Soomaaliya 24 saacadood ee ugu dambaysay waxaa cudurka ugu dhimatay dad gaadhaya 6 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal maalin oo kali ah Soomaalya ugu dhimatay cudurka Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Sidoo kale waa tiradii ugu badanayd ee dalalka ku yaalla bariga Afrika ee la shaaciyay in hal maalin ay ugu dhimatay cudurka.

Sidoo kale, waxaa 24 saac ee ugu dambeysay la diiwaangaliyay 49 qof oo cudurka laga helay.

Tirada guud ee Soomaaliya uu cudurka Covid-19 uu so ritay ayay wasaarada caafimaadka ku sheegtay 286.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka