Shirkadda Fly Dubai Oo Sheegtay Inay Somaliland Kula Jirto Wada-Hadal Ku Saabsan Si Ay Dib Ugu Bilowdo Duulimaayadii Laga Joojiyay

Hargeysa (HCTV) – Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai, ayaa sheegtay inay masuuliyiinta Somaliland la leedahay wada hadal ku saabsan sidii ay shirkadu duulimaadyadeeda dib uga bilaabi lahayd Somaliland, ka dib markii ay Somaliland shirkadaas ka joojisay inay timaado garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Shirkadda Fly Dubai ayaa ka noqotay hawada Somaliland bishii March,iyadoo qaadatay amar ay dawladda Soomaaliya ku joojisay dulimaadyada, waxaanay Somaliland markaas ka dib shirkadda ku wargelisay in laga joojiyay duulimaadyadii ay ku iman jirtay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Afhayeen u hadlay shirkada Fly Dubai ayaa u sheegay Warbaahinta CH-Aviation oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, inay Somaliland ka joojisay duulimadyadii balse ay kula jiraan hadda wad hadal, “Waxaanu xaqiijin karnaa inay taasi dhacday waxaan sii wadeynaa wada-hadal furan oo arrintan lagala yeesho masuuliyiinta ay khusayso,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka shirkadda u hadlay.

Sida uu sheegtay CH-Aviation, duulimaadyadii Fly Dubai ee FZ661 ee 19 March ee Hargeysa ku soo socday oo ka soo kicitimay magaalada Dubai ayaa dib ugu noqday dalka UAE, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya joojisay duulimaadyada, waana talaabada sababtay in shirkaddan laga joojiyo duulimaadyadii ay ku iman jirtay Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika