Shirkadda DP World Oo Kordhisay Inay Somaliland Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah COVID-19

Berbera, (HCTV) –  Shirkadda DP World ayaa sheegtay inay kordhisay inay Somaliland ka caawiso la dagaalanka cudurka Coronavirus sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda DP World, kaas oo u dhignaa sidan:-

Shirkadda DP World iyadoo adeegsanaysa ganacsigeeda caalamiga ah iyo khibradda dhinaca farsamada saadka ayaa waxay kordhisay inay Somaliland ka taageerto shixnadaha degdega ah ee ay kujirto qalabka qofka hawada ka taageera, qalabka ilaalinta iyo daawooyinka, Dekadda ayaa sidoo kale bilawday mashruuc ay ku soo saarayaan marada wajiga lagu xidho ee (personal face masks) gudaha Dubai, 21 Abril 2020: Shirkadda DP World, oo ah hormuudka ugu weyn ee bixisa adeega saadka ee ugu wanaagsan uguna casri san, ayaa bilawday inay agab caafimaad u dirto Somaliland si ay uga caawiso dadkeeda dagaalka ka dhanka ah cudurka faafa ee Coronavirus. Guddida Qaranka ee daryeelka iyo Kahortagga ee COVID-19 ayaa sahayda agabkan ku heli doona xarunta saadka casriga ee dalka, DP World Berbera.

Waxaa socda olole iskaashi ah oo ay wadaan xafiiska DP World ee xaruntiisu tahay Dubai iyo maamulka shirkadda DP World Berbera, si loo keeno qalab ay ku jiraan qalabka qofka hawada ka taageera, qalab xidhmooyinka iyo tiro aad u badan oo ah qalabka difaaca shaqsiyadeed ee dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka, oo ah qaybta koowaad iyo shaqaalaha kale ee gurmadka. Waxa kale oo ka mid ah galoofisyada gacmaha lagu xidho, maaskarada caafimaad, gaashaanka wejiga, iyo dhamaan qalabka loo baahan yahay.

Qalabkan ayaa laga keenay dalal kala duwan oo ay ka mid tahay Imaaraatka Carabtu, waxaanay Somaliland ku soo gaadhi doonaan maraakiib badan iyo dhinaca hawada. Intaa waxa u dheer, shixnadaha waxaa ku jira tiro aad u fara badan oo daawooyin muhiim ah. In kasta oo ilaa iyo hada aysan jirin daaweyn gaar ah oo loo helay fayraska illaa iyo hadda, dhakhaatiirta meel walba waxay ku dadaalayaan sidii ay u yareyn lahaayeen astaamaha una yareeyn lahaayeen dhibaatooyinka.

Shixnadaha ayaa sidoo kale waxaa ku jira 5,000 xidhmooyinka tijaabada COVID-19 lagu qaado oo deg deg ah. Tijaabinta ayaa muhiim u ah fahamka iyo xakameynta faafitaanka cudurka, iyo farsamayaqaanno caafimaad ayaa durba loo diray Kenya tababaro xirfadeed oo ku saabsan farsamooyinka baadhista wax ku oolka ah.

Somaliland waxay ballanqaaday inay ka caawiso deriskeeda Soomaaliya iyo Yemen baadhitaanka fayraska dilaaga ah marka nidaamka baadhitaanku shaqeynayo. Supachia Wattanaveerachia, oo ah Maamulaha Shirkadda DP World Berbera, ayaa yidhi: “In kasta oo ay wali jiraan dhawr kiis oo laga xaqiijiyey Somaliland, haddana waxaanu aragnay saamaynta ba’an ee fayrasku ku yeeshay waddamada kale ee adduunka. Marka la eego dawaynta, waxaan dareensanahay inay muhiim tahay inaan taageerno dowladda oo aan awoodno inaan tijaabinno kiisaska looga shakisan yahay fayraska dalka gudihiisa. Caawinaad balaadhan oo aanu ka helnay kooxdeena Dubai, waxaan ku guuleysanay inaan soo dejino agab ama sahay caafimaad oo badan, oo ah qalabka ka hortaga iyo tijaabin fayraska si loogu qaybiyo Somaliland. ” Si looga gudbo kharashaadka sare ee marada wajiga lagu xidho ee masks oo la soo dejiyo, DP World Berbera waxay la timid qorshe cusub. Wattanaveerachia wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi: “Waxa ka jira meel-laga helayo marada wajiga lagu xidho oo ku yaal magaalada Berbera, sidaa darteed waxaan fursad u helnay inaan la shaqeeyno Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Magaalada Berbera si dadka deegaanku u soo saaraan maaskarada wajiga lagu xidho oo dalka gudihiisa lagu sameeyey. Waxaan dooneynay inaan siideyno wax ku oolka iyo kartida ganacsi ee bulshada ku nool Somaliland, si aan gacan uga geysanno wax ka qabashada arrimaha sicirka qaaliga ah iyo xaddidaadda maaskaro. ” Kooxda DP World Berbera waxay si joogto ah u xoojineysaa farriimaha caafimaadka shaqaalaheeda, qoysaska iyo saamileyda, iyadoo la raacayo hagida ugu dambeysa ee Ururka Caafimaadka Adduunka, waxayna u direen fariin cad oo ah in Jiritaanka Bulsheed uu yahay baahi culus oo aan ikhtiyaar u ahayn oo kaliya bulshadeenu inay bad-qab ahaato.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.