Askari Ka Tirsan Booliska Somalia Oo Laba Qof Ku Dilay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka Booliska gaar ahaan saldhiga degmada Boondheere uu caawa fiidkii laba qof ku dilay degmadaasi.

Falka dilka labadan qof ayaa bilaabay ay dhigeen dad ka cadhaysan dilkaasi, kuwaas oo kala xidhay qaar kamid ah isgoosyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana la’arkayay ayagoo taayaro ku gubayo isgooska Jubba ee muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa rasaas u adeegsaday banaanbaxayaasha si aay u kala raacdeeyaan, waxaana gabagabadii aay ku guuleeysteen inaay kala diraan dadkii banaanbaxa dhigaayay.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi  Xasan Xijaar oo ka hadlay kulanka gudiga kahortaga Covid19 ayaa sheegay in laxiray askarigii dilka geeystay, wuxuuna uu intaas kudaray inaay dadku isdajiyaan.

Bandoowga oo bilowday 7-dii fiidnimo ayaa lasheegay in askariga iyo dhalinyaro uu dhexmaray muran kooban, waxaana askarigu uu dhalinyarada ku amray inaay xaroodaan, waxaana intaa kadib dhacay falka dilka ah. Sidaas waxaa xaqiijiyay goobjoogayaal.

Bandoowga lagusoo rogay magaalada Muqdisho ayaa saameeyn ku yeeshay dadka, waxaana xiligan oo lagu jiro bisha Ramadaan aay dadku u baahdaan inaay socod sameeyaan halka qaar kalane aay cibaadeeystaan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.