Minnesota Oo Markii Ugu Horeysay Aadaanka Masaajidka Loo Ogolaaday In Dibada Laga Maqlo

Minnesota,  (HCTV) – Magaalada Minnesota ee gobolka Minneapolis ee dalka ayaa markii ugu horaysay loo ogolaaday in Aadaamka Masaajidka dibada laga maqlo, xiligan oo ay bilaabantay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Aadaamkan ayaa laga maqlayey dusha sare ee Masaajidka Minnesota, si dadka Islaamka ah ee Tukanayaa ay u yimaadaan Masaajidka, waxaanay talaabadani markii ugu horaysay ka dhaqan gashay guud ahaan gobolka Minneapolis oo dhan.

Gobolkan Minneapolis ee dalka Maraykanka ku yaala ayay ku badan yihiin dadka muslimiintu, kuwaas oo maalintii iyo habeenkii tukada shan Salaadood oo waajib ah.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.