Jabuuti Oo Dalkeeda Ka Mastaafurisay Kumanaan Itoobiyaan Ah (Akhri)

Jabuuti (HCTV) – Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Kumanaan Itoobiyaan ah Dalkooda dib ugu celisay Toddobaadyadii u dambeeyay.

Qaar ka mid ah Dadka Jabuuti ku celisay Dalkooda Itoobiya ayaa markii la ay dalkooda gaadheen ee la baadhay laga helay Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19, sidaana waxa sheegay Masuuliyiin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta ee magaceeda loo soo gaabiyo (IOM) ayaa Dadka Jabuuti dib ugu celisay Dalkooda Itoobiya bishii hore ee April ku qiyaastay inay ka badan yihiin 2,400 Qof, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Hay’adda IOM oo Magaciisu yahay Yvonne Ndege.

Dadkan ayaa markii la geeyay Xuduudka Itoobiya waxa la geliyey Karantiil, waxaana baadhitaano Caafimaad oo lagu sameeyay laga helay 4 ka mid ah dadkaasi, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ku noqday Magaalada Diridhabe.

Zewdu Assefa oo ka mid ah Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Itoobiya ayaa wer-wer ka muujiyey in Xanuunka Covid_19 uu ku faafo Gobollada Itoobiya, xilli aan la hubin in Jabuuti Dadka ay ku celinayso Itoobiya ku samaysay Hubin Caafimaad, gaar ahaan inay ka bad-qabaan Covid_19, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AFP oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya Mohamed Idriss Farah oo Jimcihi hadlay ayaa sheegay inay jiraan Dad Itoobiyaan ah oo ku sugan Dalka Jabuuti, kuwaasi oo Xanibaadaha jira awgeed halkaas ku xayiran, kuwaasi oo doonayey inay iyagu dalkooda ku laabtaan.

Dalka Jabuuti ayaa waxa faro-baas ku haya Xanuunka Covid_19, waxaana Dadka uu soo ritay ku dhow yihiin 1000.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka