Puntland: Madaxweyne Deni Oo Taliye Cusub U Magacaabay Booliska

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Taliye cusub u Magacaabay Ciidammada Booliska ee Puntland.

Wareegtu soo saaray Madaxweyne Deni oo Nuqul ka mid ah soo gaadhay Telefiishanka HCTV ayaa lagu sheegay in Taliyaha Cusub ee Ciidammada Booliska Puntland loo Magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen, kaasi oo beddelaya Taliyihii hore, Muxyadiin Axmed Muuse.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Sareeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka