Soomaaliya: 9 Qof Oo 24-kii Saacadood Ee U dambeeyay u dhintay Covid_19

Muqdisho (HCTV) – Dadka u dhimanaya Xanuunka Covid_19 ee MagaaladaMuqdisho ayaa maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhaya.

24-kii saacadood ee u dambeeyayna 9 Qof ayaa Muqdisho ugu Geeriyooday Xanuunka Covid_19, kuwaasi oo muddo xanuunsanayey.

Sidaana waxa Maanta shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in bukaanada geeriyooday inay u badan yihiin kuwa Cisbitaalka Martiini la geeyay iyagoo liita oo lagasoo qaaday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay.

Qoraal Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu xusay in haddii dadkaas la keeni lahaa wakhti muhiim ah Cisbitaalka Martiini in la badbaadin kari lahaa, balse ay tahay nasiib darro markii Cisbitaalada gaarka ah wax looga qaban waayay in loola soo cararo Cisbitaalka Martiini.

Wasaaraddu waxay uga digtay isbitaalada gaarka loo leeyahay inay xarumahooda ku hayaan dadka qaba cudurka Covid19.

Tirada dadka u geeriyooday cudarka Covid-19 inta la diwaan galiay ayaa gaadhay 32 ruux, halka dadka uu soo ritay ay gaadhay 436 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka