Wararkii U dambeeyay: Saddex Qof Oo Maanta Ku Dhintay Soomaaliya Iyo 44 Cusub Oo Laga Helay Covid_19

Muqdisho (HCTV) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dad cusub oo uu Xanuunka Covid_19 ku dilay Muqdisho iyo Dad cusub oo uu soo ritay.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay dhinteen 3 Qof, halka laga helay 44 Qof oo cusub, ka dib baadhitaano cusub.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda caafiaadka ayaa lagu sheegay in baadhitaankii la sameeyay ay soo baxday in 44 qof oo hor leh laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo tirada guud ee laga helay cudurka ka dhigaysa 480 qof.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen 3 ruux, waxaana tirada guud ee dadka u dhintay cudurka ay noqoneysaa 26 ruux.

Halkan Hoose ka akhri Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya, 27 April 2020

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 44 qof.
> Dhedig: 9
> Lab: 35
> Bogsasho: 4
> Dhimasho: 3
> Tirada Guud: 480
> Bogsashada Guud 14
>Dhimashada Guud 26

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka