Trump Oo Sheegay War Ka Duwan Wararkii Laga Faafiyey Xaaladda Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

USA (HCTV) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu ku sugan yahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ka dib markii maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladdiisa caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Trump wuxuu sheegay in wax faahfaahin ah aanu ka bixin karin xaaladda Kim Jong Un, balse uu ku rejo weyn yahay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April, wararkaas qaarkoodna waxay sheegeen inuu Geeriyooday.

Kim Jong-un waligiis kama aanu baaqanin munaasabadda xuska aabihii, wayna iska muuqatay inaanu si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka