Shan Qof Oo Suuq Badhtankii Loogu Dilay Aano Qabiil

Itoobiya (HCTV) – Suuq weyn oo ku yaalla Deeganka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay 5 qof oo hal beel ka soo wada jeeda.

Guddoomiyaha degmada Baatii ee deegaanka Canfarta ee dadka lagu la dilay Maxamed Cabdi ayaa sheegay dadka la dilay inay ahaayeen dad suuqa ka adeeganayey oo shacab ah, balse aano qabiil loo dilay.

Wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay dadka la dilay dhammaantood iney ahaayeen dad ku noolaa degmada Baatii.

Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 waxay sida oo kale ay dhaawacyo culus u geysteen 2 qof oo kale, oo haatan lagu dabiibayo Cisbitaalka degmadaasi.

Dilka oo ka dhacay suuqa badhtankiisa waxa raggan loo laayey ayuu yidhi Mr Maxamed aano qabiil oo u dhaxeysay qowmiyadda Canfarta iyo Qowmiyad kale oo uu dhawaan degmadu dagaal ku dhex maray.

“Raggan waxaa loo dilay aano qabiil oo lala xidhiidhiyey dagaallo beeleedyo maalma ka hor dhacay, balse ma jirin xaalad taagan oo keeni karta in dad rayid ah oo aan colaadda qayb ka ahayn maalin cad meel suuq ah lagu dilo” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Baatii Maxamed Cabdi oo u warramay BBC-da.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka