Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo Raashinkoodii Bisha Uugu Deeqay Dad Danyar Ah

Hargeysa, (HCTV) – Ciidamada Ilaalada madaxtooyada Somaliland ayaa Raashinkoodii Bishan ugu deeqay Hooyooyin Danyar ah oo dhawaan uu Baahiyay Telefishanka HCTV.

Haweenkan danyarta ah ee loo qaybiyey Raashinka ayaa markii hore ahaa haween ka shaqaysan jiray inay dadka kale iyo guryaha ay usoo maydhaan dharka, hase yeeshee waxa saamayn ku yeeshay haweenkan markii uu cudurka Coronavirus oo saamayn iyo fiditaan ku yeeshay dalalka adduunka oo Somaliland ay ka mid tahay, isla markaana lagu soo rogay xayiraado nolosha dad badan saameeyey.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.