Jubbaland: Garabyadii Nairobi Ku Soo Heshiiyay Oo Kismaayo Dib Ugu Noqday

Nairobi, (HCTV) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo Sheekh Daahir oo labaduba kamid ahaa xubnihii isbaheeysiga isbadaldoonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska ku gaadhay Nairobi ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Imaatinka wafdiga kadib waxa ay warbaahinta kula hadleen qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa ka warbixiyay heshiiskii ay magaalada Nairobi ku gaareen isbaheysigii isbadaldoonka Jubbaland, isagoo sheegay in heshiiskaasi uu guul kusoo dhamaaday isagoo intaa ku daray in danta shacabka Jubbaland ay ku jirto heshiis iyo in aan shaqsi loo daneyn.

Waxa uu xusay in heshiiska ka dhacay Nairobi uu dhexmaray dowlad goboleedka Jubbaland iyo siyaasiyiintii dhaliilsanaa doorashadii bishii August ee sanadkii hore ka dhacday Kismaayo, waxa uuna sheegay in ay ka go’antahay dhameystirka waxyaabaha dhiman.

Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda federaalka

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kadib doorashadii Madaxweynaha Jubbaland iyo xubnihii kale ee sheegtay hogganka Jubbaland waxa ay sheegtay in aysan gabi ahaanba aqoonsanayn natiijooyinka doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo.

Axmed Madoobe mar uu ka hadlayay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe waxa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay waqti walba in wada hadal lagu xalliyo waxyaabaha kala aragti duwanaanta ah ee jira, isagoo dowladda federaalka ugu baaqay in ay qaadato doorkeeda kana shaqeeyso didii la isugu soo dhawaan lahaa wadajirna loogu wajihi lahaa qorsheyaasha qaran.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa bulshada ugu baaqay in ay taxadar dheeraad ah ka muujiyaan cudurka COVID19 ee caalamka saameynta ba’an ku yeeshay, Soomaaliyana kusii fidaya, waxa uu ugu baaqay bulshada in ay raacaan tilmaamaha ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka, isagoo sidoo kale bulshada ku booriyay in ay ka fogaadaan goobaha la isugu yimaado sida suuqyada, masaajidda iyo goobah kale ee mashquulka, isagoo sheegay in cudurkan dawo aan loo heyn loona baahanyahay in la qaado tallaabo kasta oo looga hortagi karo.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay fatahaado iyo roobab dabeeylo wata oo saameeyay qeybo ka tirsan Jubbaland, sida degmada Baardheere oo ay saameysay fatahaadda webiga Jubbaland iyo Jaziiradaha gobolka J/hoose, wuxuuna ku baaqay in cid walba oo ay arrintaasi quseeyso ay ka qeyb-qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka dhibaateeysan.