Dawo Markii Hore Loogu Talo-galay EBOLA Oo La Sheegay Inay Dilayso Fayraska Corona

USA (HCTV) – Waxa la rumaysan yahay in Daawada Remdesivir ay dilayso fayraska korona.

Waxaa jirta “caddeyn iyo faham kooban” oo ah in dawada ay dadka ka caawin karto in ay ka caafimaadaan cudurka korona, sida ay saraakiisha Mareykanka sheegayaan.

Remdesivir waxay hoos u dhigeysaa astaamaha lagu garto xanuunka illaa 11 maalmood halkii 15 ay ahaan lahayd, sida lagu ogaaday tijaabo laga sameeyay daafaha caalamka.

Macluumaadka oo buuxa lama daabicin, balse khubarada waxay sheegeen in “natiijo aad u wanaagsan” ay noqon karto haddii la xaqiijiyo, laakiin ma ahan “xabbadii baabi’in lahayn” xanuunka.

Waa dawo ay u badan tahay in nolol lagu badbaadiyo, lagu yareeyo culeyska saaran Cisbitaallada iyo in qeybo ka mid ah xannibaadaha la qaado.

Remdesivir waxaa markii hore loo sameeyay in lagu daweeyo cudurka Ebola. Waa dawo ka hortageysa cudurrada faafa, waxayna shaqadeedu tahay in fayraska ay la dagaasho ka hor intaanu gaardhin unugyada jidhka aadamaha.

Tijaabada waxaa sameeyay Machadka Qaran ee Mareykanka ee arrimaha Xasaasiyadda iyo Cudurada (NIAID), waxaana lagu sameeyay 1,063 oo qof. Bukaannada qaar waxaa la siiyay dawada halka kuwa kalena la siiyay dawo kale.

Dr Anthony Fauci oo madax ka NIAID wuxuu yidhi: “Macluumaadka waxay muujinayaan in Remdesivir ay yareyneyso saameynta, waa muhiim, waana wax ku ool muhiim ah in ay xilliga looga caafimaadayo cudurka yareyneyso.”

Wuxuu sheegay in natiijada ay caddeyneyso in “dawada ay la dagaallami karto fayraska” Waxayna “albaabada u fureysaa in hadda aan awoodno daweynta” bukaannada.

Saameynta ay dawada ku yeelaneyso heerka geerida weli ma cadda. Xilligii hore, heerka geerida ee dadka la siiyay dawadan waxay ahayd boqolkiiba 8%, halka kuwa la siiyay dawada kale ee placebo waxay heerka dhimashada gaadhay boqolkiiba 11.6%, sida ay baahisay BBC-du.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka