Ergaygii Hore Ee Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Tanzania Ku Geeriyooday

Dodoma, (HCTV) – Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga Tanzania, Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, aroortii hore ee saaka, kaas oo la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ku soobooday  sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda.

Danjire Mahiga ayaa waxa uu ahaa diblomaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxau soo maamulay xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu Madaxweynaha ahaa Soomaaliya Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Shiikh Axmed.

Danjirahan ayaa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilkii rasal wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka hayo ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waayadii dembe wuxuu ahaa wasiir aad uga muuqanayay warbaahinta, isagoo ka hadli jiray arrimaha dalkiisa Tanzania.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.