Soomaaliya: 3 Ka Mid Ah Shaqaalaha Midowga Yurub Oo Laga Helay Covid_19 Iyo 9 Askari Oo La Karantiilay

Muqdisho (HCTV) – Xanuunka Covid_19 ayaa aad ugu faafaya dalka Soomaaliya, waxaana jira Bukaano cusub oo laga helay Xanuunka.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay in saddex ka mid ah Shaqaalaha Midowga Yurub ee Soomaaliya laga helay xanuunka Covid_19, sidaasi darteedna lagu karantiilay meel gaar ah oo ay Adeeg caafimaad ka helayaan.

Saddexda Qof ee laga helay Xanuunka Covid_19, ayaa ku soo beegmaya xilli la karantiilay 9 Xubnood oo ka mid ah Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya u jooga nabadaynta.

Sagaalka Askari ayaa loo karantiilay inay ahaayeen Askartii ugu dhawayd ee xidhiidhka la samaysay Askari Ugandhiis ah oo hore Xanuunka looga helay.

Xanuunka Covid_19 oo Soomaaliya ku dilay Dad gaadhaya 28 Qf, waxaana qaba uu Xanuunka lagu xaqiijiyey Dad Lix boqol ka badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka