Somaliland Oo Sheegtay Inaan Sanadkan La Xusi Doonin 18-Ka May Iyo 26-Ka June

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in munaasibadaha 18 May Iyo 26 June aan Sanadkan laga xusidoonin dalka xanuunka Covid 19 awgii.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaasi ka sheegay Shir-saxaafadeed uu ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu kaga hadlay Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19.

“Iyada oo xanuunnadaasi soo kordheen awgeed Waxan maanta halkan ka sheegayaa in laba munaasibadood oo qaali ah oo aynu dabbaaldegi jirnay 18-ka May iyo 26-ka June inaynaan sannadkan isu urur ugu dabbaaldegaynin, isu soo bax ma jiro, dadkana meel ku ururin mayno, wixii khudbado iyo farriin la gaadhsiinayona si gaar ah oo tan oo kale ah baa loogu sheegi, waxana kalliftay xaaladda dalku maanta marayo iyo cudurka CORONA VIRUS,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si furan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen weriyayaashii kala duwanaa ee munaasibadda ku sugnaa, isaga oo sidoo kale warbaahinta ku hambalyeeyey maalinta saxaafadda adduunka oo ku beegan maanta oo ay bisha May tahay 3-da.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.