Tigrayga Ethiopia Oo U Arka Dib U Dhaca Doorashada Mid Caqabad Ku Ah Midnimada Dalkaasi

Addis Ababa (HCTV) – Dalka Ethiopia oo ku yaala Geeska Afrika ayaa bishii March dib u dhigay doorashada baarlamaanka iyo deegaamada gobolada ee loo qorsheeyay inay qabsoonto August kadib markii cudurka coronavirus uu dilaacay.

Dalka Ethiopia Taariikh cusub looma qaban doorashadu inay dhacdo, baarlamaankuna wuxuu ku guuldaraystay inuu hal go’aan ka gaadho kulankii Salaasada.
Hase yeeshee xisbiga TPLF ee Tigreyga, oo ah xisbiga xukuma gobolkaasi, ayaa si weyn u diiday isbahaysiga qaran ee xisbiga (EPRDF) sanadkii lasoo dhaafay markii seddexda xisbi ee kale ay ku biireen sameynta Xisbiga cusub ee Barwaaqada.
TPLF ayaa sheegtay goor dambe oo isniinta ah inay sii socon doonto doorashooyinka ka dhacaya Tigreyga inkasta oo dalka oo dhan dib loo dhigay codeynta doorashada.
“Waxaan diyaarinaynaa sidii aanu u qaban lahayn doorasho gobol si aan uga ilaalinno xuquuqda dadkayaga,” ayaa lagu yidhi bayaan uu soo saaray TPLF. Balse muu xusin taariikhda doorashada.
Gudida doorashooyinka guud ee Itoobiya ayaa sheegay in wax codsi ah aanay soo gudbin TPLF, mana jiro urur aan ka aheyn NEBE oo leh awood ay ku qabtaan doorashada nooc kastoo ay tahay.
Xisbiga EPRDF ee xukunka la wareegay 1991 waxaa xukumayay Tigreega laga tirada badan yahay, waxayna daboolka ka qaadday inay xiisad ka dhex abuuri karto sanado badan iyadoo ay meesha ka saarayso dhamaan wixii diidmo ah, oo ay ka mid yihiin muujinta qaran gaar ah oo qowmiyadeed.
Markii uu Raysall wasaare Abiy Ahmed la wareegey talada dalka Ethiopia oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika sanadka 2018, wuxuu soo saaray isbadallo isdaba joog ah oo u saamaxaya xoriyado badan wixii hore u ahaan jiray mid kamid ah dowladaha ugu cadaadiska badan Qaarada Afrika.

Balse dib-u-habayntu waxay suurtogal ka dhigtay cabashooyinka muddada dheer socday ee lag soo horjeeday ee tobanaanka sanadood ee xukunka adag ee dawladda ah iyo in dib loo soo nooleeyo, waxayna dhiirrigelisay awood-kooxeedyadii gobolka sida TPLF oo doonaya inay awood badan ku helaan kooxaha qowmiyadooda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.