Shir Muuqaal Ahaa Oo Baarlamaanka Koonfur Afrika Internet-ka Ku Yeeshay Oo La Jabsaday

S/A (HCTV) – Shir muuqaal ah oo ay saaka lahaayeen guddi ka tirsan baaralamaanka Koonfur Afrika ayaa la jabsaday, waxaana la aflagaadeeyay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas.

Shirka markii uu bilowday waxaa shaashadda kasoo muuqday sawir anshax xumo ah iyo cod Rag ah oo lagu afladeeyay guddoomiyaha baarlamaanka ay shir guddoomineysay.

Guddoomiyaha baarlamaanka waxay sheegtay in markii horeba ay ka walaacsaneyd in barta Zoom-ka ay shir ku yeeshaan.

Xildhibaannada ayaa ku tilmaamay dhacdada mid ‘xannuun badan oo dhibaatadeeda leh’ , sida uu ku warramay Times Live website.

Farsamo yaqaaniinta baarlamaanka ayaa markii dambe sameeyay muuqaal kale oo ay xildhibaanada ku shireen.

Maaddaama oo Xanuunka Covid_19 uu dhibaato ku hayo Caalamka, ayaa waxa Madaxda Dalalka Adduunka, sida Baarlamaannadu ay Shirarkii ay qaban jiree ku galaan hab Online ah oo Internet-ka la adeegsanayo, laakiin marmarka qaarkood waxa dhacda arrintan oo kale oo waalla jabsadaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka