“Soomaalidu Waxay Xoog Ku Yeelanaysaa Iyadoo Noqoto Kudlad…” Danjire Donald Yamamoto

Hargeysa (HCTV) – Safiirka Maraykanka Danjire Donald Yamamoto, ayaa shirjaraa’id oo uu khamiistii 7 May  si toos ah u qabtay isagoo adeegsanaya adeega Zoom kuna sugan magaalada Muqdisho, waxa lagu weydiiyay su’aalo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo xanuunka Covid_19 oo dunida gilgilay.

Tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), oo ka mid ahaa saxafiyiinta ay safaaradda Maraykanku ku casuuntay shirka jaraa’id ayaa isagoo Hargeysa ku sugan wuxuu si toos h u weydiiyay safiirka Maraykanka, su’aalo ku khuseeya Somaliland.

Danjire Yamamoto ayaa waxa uu Geeska Afrika weydiyay laba su’aalood oo kala ah wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda hakad ku jira iyo doorka Maraykanka iyo bal caawimada uu Maraykanku siin karo Somaliland xilligan  adag ee  halganka  loogu jiro si looga hortaggo  xanuunka Covid_19.

Danjire Donald Yamamoto, wuxuu ku jawaabay “Waa su’aal aad u fiican.  Soomalida muddo dheer ayaan ka shaqaynayay. Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somaliya. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo. Taasi waa bilow aad u fiican. Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda . Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan.  Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somaliya maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada shaqeeyaan.”

Isagoo danjire Yamamoto hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa ay tahay inaynu xusuusano in qurbo joogtu ay sidoo kale ciyaarto door. Sidaas darteed waxa aynu arkaynaa qurbo-joog badan oo ciyaraysa door muhiim ah oo ay kaga qayb qaadanayaan wada-hadalka. Waxa jira dad gudaha Soomaaliya jooga oo door ciyaaraya. Waxa ay ila tahay in Soomaalida ay xoog badan yeelanayso haddii ay si midaysan oo kudlad ah u wada shaqeeyaan oo aad u isticmaashaan kudladaas inaad dhexgashaan dhaqaalaha gobolka iyo qaaradda. Balse waa inaad noqotaan kudlad. Waa kuwaas arimaha laga wada hadlay xilligan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somaliya and Somaliland. Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Somaliya iyo Somaliland ayaa doonaya. Sababta oo ah way doonayaan, anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika