Fanaan U Dhashay Yemen Oo Mudo Ku Xidhnaa Hargeysa Oo La Sii Daayey

Hargeysa, (HCTV) – Fannaanka Saalax Carab, ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Hargeysa oo uu muddo ku xidhnaa.

Carab, ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo shacabka Somaliland balse aanu abaal u hayn Fannaaniinta Somaliland.

Laba fannaan oo kale oo lala xidhay ayaa weli xabsiga ku jira kuwaas oo u dhashay Somaliland balse fannaankan Saalax Carab ayaa u dhashay waddanka Yemen. Ilaa iyo hadda ma cada sababta fanaaniinta loo xidhay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.