Somaliland: Dhimashada Covid_19 Oo Gaadhay 5 Iyo Tirada Dad Uu Soo Ritay Oo Maraysa 40 Ruux

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Axadda Maanta oo ku beegan 10-ka Bisha May ee sannadka 2020, ayaa waxay shaacisay in Qofkii shanaad uu Somaliland ugu Geeriyooday Xanuunka Covid_19.

Wasaaradda Caafimaadku waxa kale oo ay sheegtay in Lix Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19.

Qofka Geeriyooday ayaa Tirada Dadka uu xanuunka Covid_19 ku dilay Somaliland ka dhigaysa 5, halka 6-da Qof ee xanuunka laga helayna tirada guud ee Xanuunku ku haleelay Somaliland ka dhigayso 40 Ruux.

Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ayaa waxa Wasaaradda Caafimaadku shaacinaysay Kiisas cusub oo ah dad qaaday cudurka Covid_19 ee dunid aadka ugu faafaya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka