Cabdiraxmaan Boore Oo $170,000 Ku Wareejiyey Guddida Ka Hortaga COVID-19 Iyo Xafiiska Kaydka Raashinka Ee Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Ganacsadaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Boore) ayaa guddida ka hortaga Cudurka Coronavirus ee Somaliland ku wareejiyey lacag qadarkeedu dhan yahay $170,000.

Deeqdan lacagtaha ah ee Ganacsadaha reer Jabuuti uu ugu talo galay in Somaliland wax kaga qabato cudurka sida xawliga ah u faafaya ee Coronavirus ayaa usoo wakiishay shirkadda Red Sea  ee Somaliland inay ku wareejiso deeqdaasi guddida Covid19.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo isagu deeqdaasi uu soo dhiibay Ganacsade Boore ayaa sheegay in deeqdaasi ay isugu jirtay $100,000 dollar oo Kaash ah iyo $70,000 dollar oo Raashin ah.

Ganacsadaha ayaa Raashinka $70,000 ee dollar qiimihiisu uu yahay ku wareejiyey Komishanka Ka Hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka