Turkiga Oo Eedo U Jeediyey Imaaraadka Carabta

Ankara, (HCTV) – Dawladda Turkiga ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay fowdo u horseedeen Bariga Dhexe iyaga oo faragalin ku haya Liibiya iyo Yemen, waxaana la filayaa in eedaymahani sii huriyaan xiisada u dhaxeysa xulafada gobolka.
Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka jawaabayey dhaleecayn looga soo jeediyey doorka Turkiga ee khilaafka Libya, oo hore ay ugu direen ciidamo militari ah si ay u taageeraan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli.
Dowladaha isutagga imaaraadka carabta, Masar iyo qaar kamid ah dalal kale oo ay kamid yihiin Faransiiska ayaa badhi-taageeraya Maleeshiyada  Khalifa Haftar, kuwaas oo isku dayaya inay ridaan dowlada ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya.
Cavusoglu ayaa u sheegay telefishanka Turkiga ee Akit TV in Imaaraadku, iyo Masar iyo dalal kale oo aanu magacaabin ay “isku dayayaan inay khalkhal galiyaan gobolka oo dhan,” balse waxa uu si gaar ah u dhaliilay Abu Dhabi.
“Haddii aad wayddiinaysid cidda khalkhal gelineysa gobolkan, yaa khalkhal keenaya, markaa waxaan odhan karnaa Abu Dhabi iyadoon cidna ka waji-qarsanayn,” ayuu yidhi. “Waa run in iyagu yihiin xoogga kadhigay Liibiya oo baabi’iyay Yemen.”
Hase yeeshee ilaa iyo hadda Imaaraadka Carabtu wax jawaab ah kama bixin dhaleeceynta Cavusoglu.
Xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Isutagga Imaaraatka carabta waxaa curyaamiyay taageeradii Ankara ee Qatar ka dib markii afar dal oo Carab ah oo ay ku jirto Imaaraatku ay cunaqabateyn ku soo rogtay Doha sanadkii 2017 taas oo lagu eedeeyay inay taageerto xagjiriinta, taasoo Qatar ay beenisay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.