Guddoomiyihii Gobolka Mudug Ee Puntland Oo Qarax Lagu Dilay

Gaalkacayo, (HCTV) – Guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur iyo qaar kamid ah ilaaladiisii ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Nugaal.

Gaadhi Bajaaj ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala eegtay guddoomiyaha gobolka Mudug oo markaas xafiiskiisa gobolka Mudug kasoo baxay.

Waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare weyn oo soo gaadhay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo gaadiidkii ay wateenba.

Weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo weli gurmadka uu socdo.

Dilka guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya bil iyo badh kadib markii sidaan oo kale qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdi Salaan Xirsi Gujir, taariikhdu markay ahayd 29 bishii March ee sanadkaan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.