Safiirkii Shiinaha U Fadhiyay Israel Oo Maydkiisa Laga Helay Gurigiisa Oo Ku Yaalla Tel Aviv

Tel Aviv, (HCTV) – Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya magaalada Tel Aviv ee Israel ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa.

Sababta uu u dhintay Ambassador Du Wei Ayaan la ogayn balse waxa maydkiisa laga helay guriga uu ka dagan yahay Herzliya oo ka tirsan magaalada Tel Aviv.

Waxaanay ciidamada Boolisku ay sheegeen inay wadaan baadhista ay ku samaynayaan maydkiisa.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.