Tirada Dadka Laga Helay Cudurka Coronavirus Ee Somaliland Oo Gaadhay 103 Qof

Hargeysa, (HCTV) – Tirada laga helay cudurka COVID19 ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa guud ahaan gaadhay 103 qof inay qabanaan cudurkaasi faafaya ee Coronavirus, waxaana Wasaarada Caafimaadka Somaliland ay maanta xaqiijisay 16 qof oo laga helay Corona Virus Somaliland.
Lix iyo tobanka qof (16) ee laga helay 15 qof waa Somalilander, halka 1 qof yahay Ethiopian.
8 qof waa rag, 8 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 30jir = 7 qof)
(30jir ilaa 40jir = 1 qof)
(40jir ilaa 50jir = 1 qof)
(50jir ilaa 60jir = 5 qof)
(60jir ilaa 70jir = 1 qof)
(80jir ilaa 90jir = 1 qof)
Bukaanadan dhamaan waxa ay joogaan Gobolka Maroodi Jeex .

dhinaca kale Guddida ka hortaga Coronavirus ayaa fasaxay qaadka oo ay xayireen mudo 25 cisho ah, iyadoo aan wali gaadhin mudadii xayiraada Qaadku ku ekayd.