Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga La Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Dalka

Hargeysa, (HCTV) – Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in 27-ka June loo fadhiisan doono Imtixaanka dugsiyada dalka.

Sida uu sheegay Daa’uud Axmed Faarax Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka Qaranka Somaliland oo u waramay warbaahinta.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland oo qorshuhu ahaa in la qabto 6-da June ayaa waxa dib u dhac ku keenay Xayiraada uu sababay cudurka Coronavirus ee caalamka ku fidaya.

Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadku waxa uu intaasi ku daray in ay si aad ah ugu diyaargaroobeen qabashada Imtixaanka Shahaadiga ah, isla markaana ay xil way inska saari doonaan badd qabka ilaalinta Caafimaadka Ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka dugsiyada dalka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.