Maxkamadda ICJ Oo Dib U Dhigtay Dacwaddii Muranka Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Muqdisho, (HCTV) – Maxkamadda caddaaladda caalamiga ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay wakhtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay maxkamadda oo fadhi ay yeelatay uu ka qabsoomay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka cusub ee dhageysiga kiiskaas.

Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in wakhtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.

Dhowr jeer oo hore ayaa dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartii, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.

Dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidsaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka oo la hadlay BBC-da ayaa yidhi: “Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go’aanka maxkamadda.

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.
Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.
03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.
Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.
03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.
Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.
Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.