Sudan, Masar Oo Kulan Ka Yeeshay Biyo-Xidheenka Ethiopia Iyo Xoghayaha QM Oo Baaq Diray

Khartoum, (HCTV) – Sudan Iyo Masar ayaa sii wada wadahadalada ku saabsan Mashruuca Biyo-xidheenka Ethiopia, sida uu sheegay Golaha Wasiirada dalka Sudan.

Kuwaas oo war-saxaafadeed ay soo saareen kulankaasi oo ay ka qaybgaleen Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo dhigiisa dalka Masar Mustafa Madbouli oo ay weheliyaan Wasiirada arimaha dibada, Beeraha iyo Bihaha iyo Hoggaanka Sirdoonka labada dal.

“Kulankan ayaa Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo Dhigiisa dalka Masar Mustafa Madbouli ay ku falanqeeyeen habka hore loogu sii wadi karo wadahadalada ku saabsan Biyo-xidheenka Wabiga Nile, ee saddexda dal sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu lagu yidhi War-saxaafadeedka ay kulankaasi ka soo saareen dalalka Sudan iyo Masar.

Waxaana sidoo kale kulankaasi hoosta lagaga xariiqay in dedaalada dhexdhexaadinta u sii wado Raysal Wasaaraha Sudan isla markaana uu isku soo dhaweyn lahaa dalalka Masar iyo Ethiopia, iyadoo la sii wadayo kulano saddex geesood ah oo ay yeeshaan saddexda dal.

Raysal Wasaaraha Sudan ayaa loo asteeyey in kulanka ka dib uu Telefoonka kula hadlo Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed to si uu ugala tashado isaga sidii loo sii wadi lahaa kulanada saddex geesoodka ah sida ugu dhakhsaha badan ee uguna suurtagalsan, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Ugu Baaqay Masar, Ethiopia Iyo Sudan Inay Sii Wadaan Wadahadalada Lagu Doonayo Inay Heshiis Ka Gaadhan Biyo-Xidheenka Ethiopia, iyo dedaalada meesha lagaga saarayo farqiga u dhexeeya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.