Venezuela Oo Doonaysa Inay Ku Khasabto Bank of England Inay Usoo Gacan Galiso Dahab Kayd U Ah Oo Qiimihiisu Dhan Yahay $1bn

Venezuela, (HCTV) – Dawladda dalka Venezuela ayaa doonaysa wakhti xaadirkan in Bangiga dalka Ingiriisku inuu ku soo wareejiyo Dahab Kayd ah oo Qiimahiisu dhan yahay $1bn oo u taala Bank of England.
Bangiga dhexe ee dalka Venezuela ayaa sameeyey dacwad sharciyeed ah inuu isku dayayo inuu ku khasbo Bankiga England inuu ku wareejiyo £930m ($ 1.13bn) oo dahab ah si dowladda Nicolás Maduro ay ugu maalgaliso la dagaalanka coronavirus, sida lagu sheegay dukumiinti loosoo gudbiyey maxkamad ku taal London.
Talaabadan ayaa daba socota codsi Venezuela ay u dirtay Bangiga bishii April inay ku iibiso qeyb ka mid ah kaydkeeda dahabka ah halkaasna ay u soo dirto lacagtaasi si ay gacan uga geysato dadaallada la dagaallanka coronavirus ee dalka.
Bangiga England ayaa diiday inuu ka hadlo sheegashada arintaasi. Hase yeeshee Bangiga dhexe ee Venezuelan kamuu jawaabin codsi uu kaga hadlay.
Laga soo bilaabo 2018, Bankiga England wuxuu daaha ka rogay wareejinta 31 tan oo dahab ah oo Venezuelan halkaas lagu keydiyo Madaxweyne Maduro, dalka Ingiriiska Ayaan isagu Maduro u aqoonsanayn inuu yahay hogaamiyaha sharciga ah ee dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee cudurka Coronavirus, iyo hoos u dhaca dakhligii Shidaalka dalkaasi ka soo gali jiray ayaa sababay dhibaato dhaqaale oo soo wajahday dalka Venezuela, waxaanay hadda keentay inay dalbadaan dahab kayd ah oo u yaala Bangiga Ingiriiska in loo sarifo ama la iibiyo oo lacagtiisa loo soo diro si ay wax ugaga qabtaan cudurka dalkaasi ku fidaya ee COVID19.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLNE-KA.