Nuxurka Qodobada Guddida Ka Hortagga Covid19 Ee Somaliland Ka Soo Saartay Ciidal Fidrida Iyo Isku Socodka Dadweynaha

Hargeysa, (HCTV) – Guddida heer Qaran ee ka hor-tagga xanuunka COVID-19 oo uu shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeen Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddimiyaha Guddida Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) shir ay maanta isugu yimaadeen waxay ka hadleen khatarta xanuunka COVID-19 oo kordhaysa iyada oo 3 qof oo cusub laga helay xanuunka.

Gabagabdii shirka waxa guddidu isla garatay in loo baahan yahay in la qaado talaaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakamaynayo faafidda xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda, waxayna soo saareen qodobadan hoos ku xusan:

1- in la joojiyey tukashadii salaadda ciidda iyo isku imaantigii bulshada
2- in aan la furi karin goobaha caruurta lagu ciyaarsiiyo wakhtiyada ciidaha
3- in la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadka muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa maalinta Ciidda ka horeysa wixii ka danbeeye kowda duhurnimo
4- in dugsiyada dalka la galiyey fasaxoodii caadiga ahaa laguna soo noqonayo Bisha July
5- in la joojiyey isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha u kala gudbaya magaaloyinka, waxana bulshada dhammaan la farayaa in qofkasta ku ciido gurigiisa

6- in aan Hotelada lagu qaban Karin wax caasumad ah oo kulmisa dad tiro badan

Go’aamadan ayaa kusoo beegmaaya xilli uu xanuunka safmarka ee COVID19 uu si xawliya ugu fidaayo deegaanada Somaliland kaasi oo ay I jiifaan bukaan tiradoodu dhan tahay 110 islamarkaana ay u dhinteen 11 qof guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.