Madaxweynihii Hore Ee Somalia Oo Ku Eedeeyey Dawladda Farmaajo Inay Ka Gaabisay Dacwadda Muranka Badda

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrinta la xidhiidha dacwadda badda ee u dhaxaysa Somalia iyo Kenya oo markii seddexaad dib loo dhigay xalay, ayaa sheegay in afar sano kadib meesheedii taagan tahay arintaasi oo aanay jirin wax is-bedal ah oo kusoo kordhay.

“Maxkamadda dhageysigeeda waxaa dib loo dhigi karaa keliya markii labada waddan ogolaashiyo laga helo, haddii ay dowladda Soomaaliya diidantahay in kiiska dhageysigiisa dib loo dhigo, maxay bulshada ula wadaagi la’dahay cadeymo muuqda oo aan hadal aheyn” ayuu yidhi madaxweynahii hore ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qareennadii matalayay Soomaaliya ay ahaayeen kuwa caalamiya oo ay ku jirtay Garyaqaan Muno Sharmaan, iyadoo la sheegay in la bedalay , balse wuxuu dowladda ku dhaliilay sababaha loo sheegi la’yahay qareennada hadda ku metalaya kiiskaan.

Soomaaliya ayaa dacwadaan geysay maxkamadda ICJ xilligii uu xilka hayay  Xasan Sheekh Maxamuud , iyadoo markii seddexaad muddo 11 bilood ah dib loo dhigay xalay.

Lama oga in dowladda Soomaaliya ka jawaabi doonto hadalka madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo in kale, balse waxa uu hadalkaan sheegay xilli arrinta dacwadda badda shacabka Soomaaliyeed iyo aqoonyahannaduba ay wax badan iska weydiinayaan.