Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Somaliland Iyo Ummadda Islaamka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga

Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Somaliland Iyo Ummadda Islaamka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga

Erdogan Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Ciidamo Ugu Dirayo Liibiya
Baarlamaanka New Zealand Oo Qaaday Talaabo Ka Duwan Dhigooda Kenya
Gobolka Hawd Oo Qabtay Gaadhi Iyo Laba Taangi Oo Lagasoo Dhacay Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Tirada Dhimashada Ka Dhacday Xabsi Ku Yaala Venezuela Oo Korodhay
Taliyaha Booliiska Somaliland Oo Xaqiijiyey In Askari Haweenay Wadada Dhexdeeda Ku Garaacay Shaqada Laga Eryey

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad.

Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna.

Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS

%d bloggers like this: