Maqaal: Gal-daloolooyinka Go’aamadii Guddiga Ka Hortagga COVID_19 Ee Somaliland

Tan iyo intii uu cudurka saf marka ee Carona virus lagu arkay kiiskii ugu horeeyay Somaliland, wuxuu saameeyay nolosha dadka danyarta ee aan haysan cid u hadasha ama u doodda.

Waxaa jira guddi shaqaysa oo uu Madaxweynaha Somaliland u magaacaabay ka hortagga iyo u diyaar garowga samaynta cudurka Carona virus.

Guddidani waxay ka kooban tahay
1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Saylici (guddomiye.)
1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi.
2.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed
3. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed.
4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).
5. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Badanaa gudidani go’aammada ay soo saaraan marka la rog rogo ama aad loogu fiirsado waxay u eegyihiin kuwa laab la kaca ah ama aan aad looga fiirsan, taas oo ay go’aamada ay soo saaraan  saamaynta ugu badan ku yeelato dadka danyarta ah

Gudidan heer qaran ee uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi magaacabay waxaa hoos yimaadda gudiyo heer gobol, kuwaas oo fuliya go’aamada ay soo saaraan gudida heer qaran ee ka hortaga iyo u diyaar garowga saamaynta cudurka Carona virus.

Gudida heer Gobol haddii ay qaab sax ah u shaqayn lahaayeen waxay ahaan lahaayeen kuwa talooyinka ugu haboon ama ugu wanaagsan siiya gudida heer qaran ee ka hortaga iyo u diyaar garowga saamaynta cudurka Carona virus. Maadama ay gudida heer gobol ka mid yihiin Maayarrada degmooyinka iyo Isu duwayaasha Wasaaradaha oo ah dadka deegaanka kuwaas oo fahmaya bulshadooda kuwooda danyarta ah, kuwooda ladan iyo qaabka ugu haboon ee ay u fuli karaan awaamiirtu ay soo saaraan gudida heer qaran.

Go’aamadii ay soo saareen gudiyada heer-qaran iyo heer gobol,  kuwaas oo aad moodaysay inay yihiin kuwo lab la kaca ama aan laga fiirsan taas oo ugu danbayntii  saamaynta ugu xun ku yeelatay dadka danyarta ah.

1: basaska hala dhimo iyadoo la gaadhsiinayo kalabadh intii uu qaadi jiray basku.
go’aankaasi waxa uu saamayn aad ugu weyn ku yeeshay bulshada danyarta ah taas oo mulkilayaashii basasku ay ku kordhiyeen boqolkiiba konton 50% dadweynihii danyarta ahaa ee ay awalba qaaliga ku ahayd qiimaha baska lagu raaco, qodabkan markii in badan la rogrogay waxaa loo qaatay inuu ahaa go’aan aan in badan laga fiirsan oo lagu dagdagay.

2: Inay gudiyadda heer gobol si joogto ah ula socotaan qiimaha raashinka, daawooyinka iyo agabka kale caafimaad, aadna kulamo joogto ah la yeelataan ganacsatada gobollada iyo degmooyinka aad masuulka ka tihiin. Goaankan markii la soo saaray tariikhdu waxay ahayd 21march 2020 , waxaa marqudhaata is badalay qiimaha bariiska tariikhdu markay ahayd 26april 2020 oo ku yimid sare kaca isla markaana ay gudidii heer qaran iyo heer gobol uu midna waxba ka qaban kari wayeen isagoo guddomiyha rugta ganacsigu uu ku cawday inuu Aduunka oo uu is badalay qiimah bariisku.

3: gudida heer qaran waxay soo saareen inaan salaadda ciidda aan la iskugu soo bixin Karin isla markaana aan lagu tukan Karin goobihii la isku iman jirey isla markaana guryaha lagu tukado, goaankani wallow aanu suurto galin oo gobolo uu ka midyahay Awdal lagu tukaday salaaddii ciidda si jameeca ah oo bulshadu isku soo baxday, haddana goaankaasii wuxuu  oqday mid lagu dagdagay.

3: In la joojiyay tukashada Taraawiixda iyo Tu’ajdka, go’aankaasii wuxuu noqday mid ay dadka waxgaradka ahi la yaabeen kadib markii laba habeen ka bacdi la soo daayay jaadkii waddanka soo gali jiray oo muddo la hakiyay isagoon dhamaysan waqtigii la hakiyay ee ay hore gudida heer qaran u soosaaratey.

4: La wareegista baabuurta dadweynaha ee lagu qabto jaadka kontarabaanka ee dalka laga joojiyay,
go’aankaas waxaa aad u cambareeyay waxgaradka, aqoonyahanada, sharciyaqaanada iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka iyagoo ugu danbayntiina baaqa udiray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in dadweynaha danyarta ah loo celiyo gadiidkoodii ilaaliyana maatida uu madaxweynaha uyahay.

Lasoco qaybta labaad

W/Q  Cabdiraxiim Cabdilaahi (Shiine)