Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Muqdisho Ugu Geeriyooday Cudurka Covid19

Muqdisho, (HCTV) – Wasiirka deegaanka Iyo Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa cudurka Covid19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa maalmo ka hor diyaarad lagaga qaaday magaalada Garoowe ee caasimada Maamul goboleedka Puntland kadib markii xaaladiisa caafimaad ay soo xumaatay oo ay neef ku naqabatay.

Alle ha u naxariistee waxaa uu kamid ahaa wasiiraddii Puntland ee xanuunka uu ku dhacay markii ay arimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho.

Wasiir Ismaaciil ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay ee Puntland katirsan oo cudurka u geeriyooda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.