21 Maalmood Gudahood Oo Diyaaraddii Labaad Lagu Weerarray Soomaaliya

Muqdisho (HCTV) – Warar Telefiishanka HCTV ka soo gaadhaya Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad gargaar Bani-aadamnimo u sidday deegaan ka mid ah Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya la rasaaseeyay.

Diyaaradda oo la sheegay inay ka diwaangashan tahay Dalka Kenya ayaa gargaar Bani-aadamnimo sidday, waxayna xilliga la rasaaseeyay isku diyaarinaysay inay caga-dhigato ama fadhiisato Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Degmada Qansax-dheere oo ka mid ah Gobolka Baay.

Illaa hadda lama oga Cidda Weerarka geysatay, balse Sawirro lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa Muujinaya Rasaas ku taalla diyaaradda, taasi oo ah Rasaastii dhulka lagaga soo riday xilligii ay doonaysay inay fadhiisato.

Lama sheegin wax khasaare kale ah oo diyaaradda iyo Dadkii saarnaa ka soo gaadhay Weerarkan oo aan weli Cidna masuuliyaddiisa sheegan.

Diyaaradda ayaa markii dambe si nabadgalyo ah ugu noqotay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa imanaya 21 Maalmood ka dib, weerar Ciidamada Itoobiya eek u sugan Soomaaliya ku soo rideen diyaarad ay lahayd Shirkadda African Express, taasi oo ka diwaangashan Kenya, diyaaraddaas waxa ku dhintay Lix Qof.

Ugu dambayn, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradda dambe ay toogteen Al-shabaab.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka