Minneapolis: Afar Sarkaal Oo Booliska Ka Tirsan Oo La Eryey Kadib Markii La Dilay Nin Madow Ah Oon Hubaysnayn

Minneapolis: Afar Sarkaal Oo Booliska Ka Tirsan Oo La Eryey Kadib Markii La Dilay Nin Madow Ah Oon Hubaysnayn

AKHRI: 11 Qof Oo Ku Geeriyooday Iska Hor-imaadyada Shiicada Nigeria Iyo Booliska
Maraykanka Oo Xaalad Deg-deg Ah Lagu Soo Rogay
Cisbitaalka Hargeysa Oo Lagu Soo Kordhiyey Adeega Dhaawac Muujinta
Soomaalida Aan Sharciga Haysan Ee Sucuudiga Oo La Cafiyey
Ergay Chinese Ah Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In La Taageero Somalia

Minneapolis, (HCTV) – Dibadbaxyo rabshado wata oo gilgilay magaalada Minnesaplis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka kadib waxa hay’adda FBI-du ay bilawday baadhitaan ku saabsan dilkaasi, iyadoo sidoo kale la eryay afar sarkaal ka dib kulan isdaba joog ahi uu dhexmaray booliska magaalada Minneapolis.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay George Floyd oo ah 46 jir Madow ah ayaa la dilay isagoo aan hubeysneyn, waxaana muuqaal la duubay uu muujinayaa mid ka mid ah Ciidamada Booliska oo gacmaha ka jeebaynaya ninka Madowga ah.

Waxaanay ciidamada FBI-ku ay sheegeen inay wali wadaan baadhitaanka dhacdadan dilka ah oo dhacday cawaysinkii Isniinta, waxaanu George Floyd ka shaqaynayey Makhaayad uu waardiye ka ahaa.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: